Ku soo dhawow website-ka Guddiga Luqadda Welishka, taasoo laga helayo warar xiiso iyo faa’iido leh oo ku saabsan Welis, luqadda Welishka iyo Guddiga shaqadiisa ka jirta Welis iyo wax ka shisheeya.
Guddigu waa urur sharciyeysan lana asaasay 1993 laguna asaasay Xeerka Luqadda Welishka, ujeeddadiisu waa sahlidda iyo horumarinta isticmaalka luqadda Welishka. Site-kanu wuxuu muujinayaa habab kala duwan oo ay taasu dhici karto. Wuxuu tusaaleynayaa sida adigu, keli ahaan, koox ahaan ama urur ahaan, aad u isticmaali karto luqadda si aad u bixisid adeeg laba luqadle ah.
Ku hadlidda in ka badan hal luqad waa wax iska caadi ah – xaqiiqo ahaantii in ka badan 60% ee dadyowga adduunku waa laba luqadle.
Haddii aad dooneysid inaad barato Welish, ilmahaaga wax lagu baro Welish, haddii aad ka shaqeyneyso mashruuc ku saabsan luqadda ee dugsiga ama kulliyadda, ama haddii aad keliya dooneysid inaad wax badan ka barato Welishka iyo laba luqadlenimada, waxaad jawaabta ka heli doontaa site-kan.
Guddiganu wuxuu rumeysan yahay in mujtamacyada halka in yar laga isticmaalo ama luqadaha laga tirada badan yahay looga hadlo ay ka baran karaan qof kasta khibraddiisa, waxaanan si weyn u dooneynaa inaan iskaashi la sameyno qof kasta oo doonaya inuu hormariyo luqadahaan. Haddii aad dooneysid inaad wax badan ka ogaatid shaqadeenna,
e-mail u soo dir
[email protected]
Guji halkan si aad Ingiriis ugu sii wadato
Guji halkan si aad Welish ugu sii wadato